Nagu saabsan

Yaynu Nahay Anaga?

Somalischer Kulturverein Kassel e.V. waa urur aan faa’iido doon ahayn oo u heellan taageerida, awoodsiinta,
iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kassel, Jarmalka. Waxaan u taaganahay ilaalinta dhaqanka
Soomaaliyeed, dhiirrigelinta isdhexgalka, iyo bixinta adeegyo muhiim ah si dadka iyo qoysasku uga sii
noolaadaan gurigooda cusub.
Ururkeenu wuxuu u adeegaa sidii xarun dhaqameed iyo bulsho, isagoo bixinaya barnaamijyo kala duwan,
taageero waxbarasho, iyo fursado is-dhexgal si loo xoojiyo bulshada Soomaaliyeed iyadoo la abuurayo xiriir
wanaagsan oo lala yeesho bulshada Jarmalka.

Hawlgalkeena

Somalischer Kulturverein Kassel e.V. waxa uu u arkaa in dhisidda bulsho Soomaaliyeed oo midaysan, awood leh, isla markaana leh kalsooni dhaqan iyo isdhexgal bulsho, ay tahay muuqaalka ugu weyn ee aan hiigsaneyno. Waxaana doonaynaa in aan ku xoojino isku xirnaanta iyo isfahamka labada bulsho ee Soomaaliyeed iyo Jarmalka.

Himiltayada

Somalischer Kulturverein Kassel e.V. waxa uu u arkaa in dhisidda bulsho Soomaaliyeed oo midaysan, awood leh, isla markaana leh kalsooni dhaqan iyo isdhexgal bulsho, ay tahay muuqaalka ugu weyn ee aan hiigsaneyno. Waxaana doonaynaa in aan ku xoojino isku xirnaanta iyo isfahamka labada bulsho ee Soomaaliyeed iyo Jarmalka.

Waxqabadka Bulshada

1. Salaadaha jameeciga ah iyo khudbooyinka Jimcooyinka
2. Abaabulida iyo isku dubaridka munaasabadaha ciidaha
3. Madarasad Quraanka kariimka, oo maalin walba ah
4. Nachhilfe (taageero maadiga ah) – Sida luqadda Jarmalka, xisaabta, iyo Ingiriisiga
5. Wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed ee magaalada, sidii ay si nabadgelyo ah ugu noolaan
lahaayeen dalkaan nasoo dhaweeyay
6. Is-dhexgalka bulshada Jarmalka gaar ahaan magaalada Kassel
7. Abaabulida aasaska ama janaasooyinka, qofkii ama walalkii Alle naga jeclaado, haddii dalkii hooyo
loo qaadayo ama haddii halkaan lagu aasayo
8. Mutamarka sanadlaha ah ee Kassel iyo guud ahaan Jarmalka
9. Wacyi galinta, joogtada ah ee dhalinyarada cusub iyo kuwa horeyba u joogay, sidii ay si wanaagsan
ugu noolaan lahaayeen iyo wax u baran lahaayeen
10. Xalinta khilaafaadka familada Soomaaliyeed ee ku nool Kassel iyo nawaaxigeeda
11. Wacyi galinta waalidiinta Soomaaliyeed ee magaalada degan, sidii ay labada dhaqan dhaxdood
ubadka ugu korin lahaayeen
12. Isboorti – Waxaa noo kiraysan Halle sporti sabti kasta, oo caruurta ay ciyaari karaan, dadyowga
da’doodu u dhaxayso 7 sano ilaa 18 sano
13. Is-xog waraysi joogto ah, oo ku saabsan dalkaan aan ku noolnahay siyaasadda, amniga, iyo
dhaqaalaha
14. Aaska/Duugta: Waxaan qabanqaabinaa Duugta hadu qof naga dhinto

Qiyamka Aasaasiga ah ee Ururka

Somalischer Kulturverein Kassel e.V. waxaa hagaya qiyam adag oo muujinaya go’aankayaga ku aaddan
dhaqanka, bulshada, iyo awoodsiinta. Qiyamkan ayaa qeexaya cidda aan nahay iyo waxa aan u taaganahay.

Fariin Ka Timid G. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kassel

Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,
Anigoo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kassel, waxaan halkan idinkaga soo gudbinayaa salaan diiran iyo duco xambaarsan nabad, barwaaqo iyo isku duubni. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kassel waxay muddo sanado ah si hagar la’aan ah uga shaqeynaysay horumarka, midnimada, iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee magaalada. Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta idin la wadaago in dadaalka jaaliyaddu uu miro dhal noqday, waxaana mahad u celinayaa dhammaan xubnaha iyo shacabka na garab taagan.
Jaaliyaddeennu waxay u taagan tahay ilaalinta dhaqanka, diinta, iyo afka Soomaaliyeed, iyadoo isla markaana kor u qaadaysa isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed iyo bulshada Jarmalka. Waxaan abaabulnaa munaasabado diini ah, kuwo dhaqan, madarasado, ciyaaro, iyo tababaro u gaar ah dhalinyarada iyo waalidiinta. Waxa kale oo aan ka shaqeynaa xalinta khilaafaadka, abaabulka janaasada, iyo kaalmeynta dadka cusub ee imaanaya magaalada.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed ee Kassel ugu baaqayaa in ay sii xoojiyaan ka qaybgalka hawlaha jaaliyadda, si aan u dhisno bulsho mideysan, wadajirna u gaadhno horumar. Wax kasta oo aad la kulantaan – caawimaad, talo, ama su’aal – jaaliyaddu waxay diyaar idiin u tahay garab istaag iyo hagid.

Ugu dambeyn, waxaan Alle ka baryayaa in uu naga dhigo kuwo isku duuban, is jecel, una taagan wanaagga, midnimada, iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kassel
Khalif Warsame Mohamed
Kassel Germany

Gudiga Masjidka

Khalif Warsame Mohamed
Ibrahim Ishaq Hussein
Abdiasis Abdallah Hassan
Mohamed Suleiman Abokor
Mohamed Abukar Mohamed
Abdikarim Ahmed Osman
Burale Mohamed Shiwa
Abdirahman Essa Muuse

Recent comments

Es sind keine Kommentare vorhanden.